Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa magacaabay golihiisa cusub ee wasiiradda maanta oo Axad ah, afhayeenka madaxtooyada Cubdallaahi Maxamed Quraanjacel ayaa iclaamiyay.
Intooda badan golaha wasiiradda ayaa dib u soo noqday, iyaga oo wasiiro aan badnayn loo kala badalay wasaaraddaha.
Liiska magacyada golaha wasiiradda ayaa ah sidaan soo socda:
- Saalax Xabiib Jaamac: Wasiirka Cadaalada Arrimaha Diinta
- Cabdulaahi Cali Xirsi Timacade: Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha
- Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad: Wasiirka Amniga
- Cabdulaahi Saciid Caarshe: Wasiirka Maaliyadda
- Shire Xaaji Faarax: Wasiirka Qorsheynta iyo Xirirka Caalamiga ah
- Cabdifataax siciid Caynab: Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka
- Abshir Aw Yuusuf Ciise: Wasiirka Waxbarashada
- Cabdinaasir Cismaan Cuuke: Wasiirka Caafimaadka
- Cabdiraxmaan Barkhad Warsame: Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta
- Saciid Maxamed Raage: Wasiirka Dekaddaha
- Axmed Cilmi Karaash : Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada
- Maryan Axmed Cali : Wasiirka Haweenka
- Cabdi Xirsi Cali Qarjab: Wasiirka Warfaafinta
- Cabdiweli Xirsi Cabdulle: Wasiirka Ganacsiga
- Cabdulaahi Shiikh Axmed: Wasiirka Xanaanada Xoolaha
- Cabdinuur Cilmi Maxamuud Biindhe: Wasiirka Beeraha
- Cali Cabdulaahi Warsame: Wasiirka Deegaanka
- Cabdirashiid Maxamed Xirsi: Wasiirka Kalluumaysiga
- Cabdi Khadar Faarax Shaaciye: Wasiirka Dib u dhiska iyo Horumarinta
- Cabdiraxmaan Shiikh Axmed: Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale magacaabay wasiir ku xigeeno iyo wasiir dowlayaal.
Magacaabida ayaa imaanaysa wax ka yar bil kadib markii baarlamaanka ay rideen golaha wasiiradda.