“Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya afka goleyaasha Dawaladda Puntland ayaa waxaa tacsi uu u dirayaa guud ahaan shacabka Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan uu ahaa shaqsi gudashada waajibaadkiisa shaqo ku wanaagsan, islamar’ahaantaana shaqo wanaagsan qabtay muddadii uu ahaa lataliyaha Madaxweynha.
Marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Virginia ee dalka Mareykanka, sida lagu sheegay bayaanka.