Ciidamada ammaanka Puntland oo gudaha Boosaaso ku xiray tobonaan looga shaki qabo argagixiso

Ciidamada ammaanka Puntland oo gudaha Boosaaso ku xiray tobonaan looga shaki qabo argagixiso.[Sawirka: Puntland Mirror]
Ciidamada ammaanka Puntland oo gudaha Boosaaso ku xiray tobonaan looga shaki qabo argagixiso.[Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka dowladda Puntland ayaa howlgalo ka sameeyay dhowr xaafadood oo kuyaala gudaha magaalada Boosaaso subaxnimadii maanta oo Sabti ah, sida ilo-wareedyo katirsan dowladda ay u xaqiijiyeen warsidaha Puntland Mirror.

Ciidamada ayaa xiray tobonaan dad ah oo looga shaki qabo in ay xiriir la leeyihiin ururo argagixiso. Kuwa la xiray ayaa loo qaaday saldhigyada ciidamada booliiska, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ciidamada ayaa bartilmaameedsaday guryo kuyaala qaybo kamid ah xaafadaha magaalada, halkaas oo la tuhunsanyahay in xagjiriin ay ku dhuumanayaan.

Howlgalka ayaa imaanaya kadib markii niman hubaysan oo Al-Shabaab looga shaki qabo ay bumbada gacanta ku tureen dhisme dowladdeed oo kuyaala gudaha Boosaaso habeenimadii xalay. Weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal qof.

Magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa aragtay weeraro badan oo dhimasho leh intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, oo ay masuuliyadooda sheegteen xagjiriinta Al-Shabaab iyo ISIS.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*