Madaxweynaha Puntland iyo Michael Keating oo ka wadahadlay colaada Tukaraq

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating xarunta madaxtooyada Puntland, 25, July, 2017. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa kulan ay ku yeesheen Garoowe uga wadahadlay colaada Tukaraq.

Keating oo saxaafada la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in ay ka wadahadleen xaalada deegaanka Tukaraq, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray in Qaramada midoobay ay arinta gobolka Sool ka telogelin doonto odayaasha iyo dadka deegaanka si ay qayb uga noqdaan go’aan ka gaarista masiirkooda.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdiweli ayaa wariyeyaasha u sheegay in Michael Keating ay ka wadahadleen xaalada Tukaraq, waxaana uu xusay in uu u sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay mawqifka ay Puntland ka taagan tahay xaalada deegaanka Tukaraq  taasoo ah inta taako Puntland katirsan ay Soomaaliland joogto in aysan nabadi dhacayn, Puntland-na ay xoreynayso dhulkeeda.

Tan iyo markii ay bilaabamatay colaada Tukaraq Michael Keating ayaa dhowr safar ku kala bixiyay Garoowe iyo Hargeysa si uu isugu dayo in colaada ka dhaxeysa labada maamul lagu dhammeeyo wadahadal.

Ciidamada Puntland iyo Soamliland ayaa bishii lasoo dhaafay ee May labo jeer ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dagaaladaas ka dhashay khasaare balaraan.

Ciidamada labada dhinac ayaa isku horfadhiyay deegaanka Tukaraq tan iyo markii ciidamo hubeysan oo ka socda Somaliland ay bishii Janaayo ee sanadkan la wareegeen Tukaraq, oo qiyaastii 80 km dhanka waqooyiga ka xigta Garoowe, caasimada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*