Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay

Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ay dhinac taaganyihiin isimo iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Garoowe, June 2, 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa soo afjaray khilaaf u dhaxeeyay asbuucyadii la soo dhaafay kadib kulan ka dhacay madaxtooyada maanta oo Talaado ah.

Khilaafka u dhaxeeyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cusmaan ayaa si rasmi ah loo soo afjaray kadib dadaalo dhex-dhexaadin ah oo ay hormuud u ahaayeen isimada Puntland, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxday madaxtooyada.

“Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cusmaan ayaa soo socday asbuucyadii u dambeeyay, waxaana uu si rasmi ah u soo ifbaxay markii madaxweyne ku xigeenka uu wareysi uu BBC Soomaali siiyay ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha khilaafka u dhaxeeya uu gaarsiisanyahay in aysan isa salaamin.

Axmed Cilmi Cusmaan oo loo yaqaan Karaash ayaa dhawaan qaadacay digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo isku shaandhayn kooban lagu sameeyay golaha wasiiradda.

Isimada Puntland ayaa ah marjaca ugu weyn markii ay timaato khilaaf noocaan oo kale. Puntland oo la asaasay sanadkii 1998 ayaa siyaasadeedu weli ku dhisantahay awood qeybsiga beelaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*