Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilka ka qaaday wasiirkiisii amniga Cabdirashiid Xassan Cabdinuur oo loo yaqaan “Janan” kadib markii uu hehiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Janan oo ciidamo uu wato dhowr jeer oo hore dagaal gobolka Gedo kula galay ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa la filayaa in maanta oo Arbaco ah uu si rasmi ah heshiis ula geli doono dowladda, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.