Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Cumar Camay, ayaa Isniintii lasoo dhaafay soo saaray digreeto uu ku joojinayo doorashada xubnaha aqalka hoose, iyada oo uu sheegay in uu ku diidanyahay sida loo qeybiyay qoondada qabiilooyinka Sool iyo Sanaag ee xubnaha aqalka sare ee maamulka Somaliland u matalaya dowladda federaalka Soomaaliya.
Sida xubin katirsan guddiga doorashooyinka ee heer Puntland u sheegeen Puntland Mirror, hanaanka doorashada ayaa sii socon doonta maalmaha soo socda, ilaa iyo hadda 22 xildhibaan ayaa lasoo doortay iyadoo tirada xildhibaanada Puntland u matali doona aqalka hoose ee Soomaaliya ay yihiin 37 xildhibaan.