Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Garoowe ku daahfuray dhismaha wadada u dhaxeysa magaalada Garoowe iyo degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Isaga oo ka hadlayay munaasabada daahfurka dhismaha Madaxweynaha ayaa yiri: “Wadadani dabcan waxay kamid tahay kaabayaasha dhaqaale ee lagu horumarinayo Puntland, runtii in badan baan ku celceliney muhiimada ay leedahay dhisida kaabayaasha dhaqaalaha dabcan idina waad fahansantihiin bay ila tahay,”
Madaxweynaha ayaa sheegay in wadada ay dhisayso shirkad Shiinays ah oo la dhaho CCECC taasoo horey u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.
Dhawaan ayay ahayd markii Puntland iyo shirkada CCECC ay kala saxiixdeen heshiis ay shirkadu ku dhisayso wadada u dhaxeysa Garoowe iyo Eyl iyo garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, iyadoo taas badalkeeda ay shirkadu macdan baaris ka sameyn doonto gudaha Puntland.
Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in khayraadka dabiiciga ah ee Puntland ku jira looga faa’idaysan doono dhismaha horumarka oo ay kamidyihiin kaabayaasha dhaqaalaha.
Be the first to comment