Dagaal xoogan oo u dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay gobolka Mudug

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka dhacay gobolka Mudug. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dagaal xoogan oo u dhaxeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ayaa saakay oo Arbaco ah ka dhacay deegaano kuyaala gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano miyi ah oo hoostaga degmada Xaradheere ee gobolka Mudug, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dadka deegaanka ay diideen in ay Al-Shabaab ay ku wareejiyaan caruurtooda si ay u askareeyaan.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay sheegeen ilo-wareed dhanka amniga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*