Madaxweynaha Eriteeriya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay maanta iyada oo inta badan waddooyinka la xiray.
Afwerki ayaa ka qeybgali doona shirka saddex-geesoodka ah ee iskaashiga dhaqaalaha oo u dhaxeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteeriya.
Shirka ayaa ka dhici doona Muqdisho iyadoo shirarkii ka horeeyay lagu qabtay dalalka Eriteeriya iyo Itoobiya.
Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isna la filayaa in uu soo gaaro Muqdisho.