Maxkamada ciidamada qalabka sida ee DFS oo mid 10-sanno oo xabsi ciidan ah ku riday afar nin oo katirsan kooxda Daacish

ISIS
Afarta nin oo ka tirsan kooxda Daacish (ISIS) ayaa lagu xukumay mid 10-sanno ah oo xabsi ah. Sawirka: Sonna.

Baydhabo-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya qaybteeda magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa maanta go’aan ka gaartay afar xubnood oo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin kooxda ISIS, kuwaasoo lagu qabtay dhawaan Baydhabo.

Afarta nin oo la xukumay ayaa lagu sheegay magacyadooda, Cali Maxamed Gaabow oo ah wakiilka Daacish ee gobolka Baay, Mahad Nuux Siidow oo kooxda u qaabilsan samaynta iyo diyaarinta qaraxyada, Cabdicasiis Xasan Mursal oo jabhadaha katirsan iyo Maxamed Shiikh Isaaq oo bumbo tuurka iyo qarxinta miinooyinka u qaabilsan kooxda.

Taliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya Aadan Abukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka afarta nin iyadoo mid walba lagu xukumay 10-sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxkamada ayaa sii daysay saddex nin oo kale oo looga shaki qabay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish (ISIS), kuwaasoo baaritaan kadib wax dambi ah lagu waayay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*