Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, tayeynta ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa ciidamadda Soomaaliya iyo AMISOM, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabnimadii Khamiista gaaray Kampala si uu uga qeybgalo shirka.