Sacad Cali Shire, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada maamulka Somaliland ayaa Sabtidii warbaahinta ugu sheegay Hargeysa in ay muddo bil ah dib u dhigeen wadahadalada.
Maalmihii lasoo dhaafay, khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa xumaa kadib markii dowladda Soomaaliya ay sharci daro ku tilmaamtay heshiiska ay Somaliland la gashay DP World ee dekada Berbera.