Xoolo dhaqatada gobolka Nugaal oo ka banaanbaxay qabsashada sharci darada ah ee dhul daaqsimeedka

Xoolo dhaqatada gobolka Nugaal oo ka banaanbaxay qabsashada sharci darada ah ee dhul daaqsimeedka. [Xigashada Sawirka: Facebook/Axmed Cawil Jaamac]
Garoowe-(Puntland Mirror) Qayb kamid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee kunool gobolka Nugaal ayaa gelinkii dambe galabta oo Axad ah isugu soo baxay fagaaraha barxada ee kuyaala gudaha magaalada  Garoowe si ay uga banaanbaxaan qabsashada sharci darada ah ee dhul daaqsimeedka.

Banaanbaxa ayaa imaanaya iyada oo ay beri ku beegantahay maalinta deegaanka, taasoo dhacda 5-ta bisha June sanad walba.

Dhibaatada qabsashada sharci darada ah ee dhul daaqsimeedka ayaa Wasaaradda Deegaanka Puntland oo sagaal sanno jirda ay ku fashilmatay in ay wax ka qabato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*