Muqdisho-(Puntland Mirror) Kulan hordhac ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa hadda ka socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan madaxtooyada Puntland.
Kulanka ayaa diirada lagu saaraya sidii doorasho la isku raacsanyahay oo wakhtigeeda ku dhacda looga qaban lahaa dalka, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.