Dilka Mahad ayaa la sheegay in uu dhacay todobaad kahor, sida ay sheegtay BBC Soomaali.
Niman hubeysan ayaa la sheegay in ay dileen Mahad kadibna ay maydkiisa dhigeen xeebta Liido ee Muqdisho.
“Waxaa dilay rag hubaysan oo meydkiisa soo dhigay xeebta Liido, ka dibna telefoon nagu soo wacay oo nagu wargeliyey in aan meydka doonano,” dad ka mid ah ehelada Mahad Macalin ayaa sidaa BBC Soomaali u sheegay.
Sidoo kale ilo katirsan sirdoonka Puntland ayaa BBC u xaqiijiyay in ku xigeenkii ISIS lagu dilay Muqdisho, iyaga oo intaas ku daray in sargaal sare oo katirsan maleeshiyada uu ka dambeeyay dilka Mahad.
BBC-da ayaa warbixinteeda ku sheegtay in sababta ka dambeysa dilka Mahad ay tahay arrin la xiriirta loolan dhanka hoggaanka maleeshiyada ah, iyada oo hoggaamiyaha ISIS Cabdulqaadir Muumin uu xanuunsanayo.
Horaantii sanadkan, Mareykanka ayaa liiska xayiraada ku daray Mahad Macalin.