Gaari noociisu ahaa Toyota Propox oo siday arday dhigta dugsi sare oo kuyaala magaalada Boosaaso ayaa shilka galay, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil katirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka.
Ku dhawaad sagaal arday oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkaas, saraakiisha ayaa intaas ku daray.
Ardayda ayaa ku sii jeeday deegaanka Laag oo kuyaala duleedka magaalada Boosaaso halkaas oo maalmaha fasaxa ay dadku u tagaan dalxiis.