Ku dhawaad 1.5 milyan oo Xujay ah oo taagan buurta Carafa si ay u gutaan acmaasha Xajka

Abdirahman Abdullahi Sheikh
1 Min Read
MECCA, SAUDI ARABIA - OCTOBER 03: Muslim pilgrims gather to pray on Mount Arafat, also known as Mount of Mercy, near Mecca, as they take part in one of the Hajj rituals on October 3, 2014. From dawn until sunset, Muslim pilgrims stand in earnest supplication and devotion, praying for God's abundant forgiveness. (Photo by Dilek Mermer/Anadolu Agency/Getty Images)
Xujayda oo taagan buurta Carafo. Sawirka: Anadolu Agency.

Maka-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 1.5 milyan oo xujay Muslimiin ah oo ka kala yimid caalamka ayaa isugu yimid buurta Carafa oo u dhow magaalada Maka ee dhulka barakaysan ee Sacuudi Caraabiya, si ay u gutaan acmaasha Xajka.

Istaagida buurta Carafo kadib marka qoraxdu ay dhacdo galabta ayaa Xujaydu ka tagayaan halkaas waxayna sii mari doonaan Mina iyaga oo dhagaxin doona Shaydaanka maalinta beri oo Isniin ah.

Dhanka amaanka Xajka ayaa aad loo adkeeyay, wardiyeyaal gashan jaagado jaale ah ayaa caawinaya Xujayda si ay u tilmaamaan, halka baabuurta booliiska iyo ciidamadu ay ay sugayaan amaanka guud ee Xujayda.

Xajka ayaa ah tiir kamid ah shanta tiir ee Islaamka, kaasoo Ilaahay subxaanahu watacaalaa uu faray Muslimiinta in ay soo gutaan.

Share This Article
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *