Labo qof ayaa xanuunka u dhintay maanta, bayaanka ayaa intaas ku daray, iyadoo aan la sheegin meesha ay ku dhinteen.
Xanuunka ayaa si tar-tartiib ah ugu faafaya bulshada dhexdeeda, iyadoo awaamiirta maamuladu soo rogeen oo ay kamid tahay joogista guryaha aysan shaqeynayn sababtoo ah dadka intiisa badan ayaa kunool gunnooyinka ay maalintii soo shaqeystaan.
Dhanka Puntland, masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in aysan jirin wax kiis ah oo la helay 24-saac ee la soo dhaafay, balse todob qof oo COVID-19 looga shakiyay la karantiilay lana baaray oo natiijadooda la sugayo.
Iyadoo maanta ay tahay Khamiis, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya waa 328, 16 dhimasho ah, iyo ilaa lix qof oo ka bogsaday.