Kumaan shacab ah oo isugu soo baxay Muqdisho si ay taageero ugu muujiyaan Madaxweyne Farmaajo

Kumaan shacab ah oo isugu soo baxay Muqdisho si ay taageero ugu muujiyaan Madaxweyne Farmaajo. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Kumanaan dad ah ayaa gelinkii hore maanta oo Axad ah isugu soo baxay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya si ay taageero ugu muujiyaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasoo dhawaan bilaabay howlgalo amaan oo lagu sugayo amniga caasimada.

Dadka ayaa isugu yimid garoonka kubada cagta ee Muqdisho iyaga oo watay boorar ay ku qoranyihiin sida “Nabad iyo Nolol” halka kuwo kalena ay ku dhawaaqayeen “Noolow Farmaajo”.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysulwasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalay  isku soo baxa, sidoo kale waxaa ka qeybgalay wasiiro iyo xildhibaano dowladda katirsan.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha uga mahadceshay taageerada ay siiyeen dowladdiisa waxaana uu balanqaaday in uu sii wadi doono sidii dalka loo gaarsiin lahaa nabad iyo horumar.

Khuburada siyaasadda falaanqeysa ayaa sheegay in banaanbaxa uu ahaa kii ugu weynaa oo caasimada ka dhaca tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*