Garoowe-(Puntland Mirror) Kalfadhiga 50-aad ee baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay Garoowe, iyadoo ay goobjoog ahaayeen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa.
Kalfadhigan ayaan la fileyn in uu wax weyn ka duwanaado kuwii hore, waxaana uu ku soo aadayaa xilli Puntland ay wajahayso caqabado isbiirsaday sida abaaro iyo dhaqaale xumo.