Axmed Cabdi Cali Qarjab oo loo yaqaan Qalyare waxa uu ku jiray da’da 60-ka.
Waxa uu ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ku biiray isaga oo dhowr iyo toban jir ah.
Sanadkii 1964-tii ayuu ku dhashay Garoowe, isagoo halkaas ka bilaabay waxbarashadiisa dugsi hoose ilaa sare.
Markii uu dhammeeyay dugsiga sare waxa loo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, halkaas oo uu ka galay dugsiga tababarka ciidamada ee Xalane, wuxuuna ku jiray tababar hal sanno ah.
Kadibna waxa uu galay kuliyadii Jaalle Siyaad, halkaas oo uu ku jiray muddo labbo sano ah oo loo tababaray layli sargaal. Kuliyada oo irdaha loo furay sanadkii 1973-dii waxaa ka soo bixi jiray saraakiisha ciidanka xooga saldhigyadiisa hogaanka u qabta.
Markii uu dhammaystay tababarka sargaal ee Jaale Siyaad, waxa uu galay koorso kumaandoos ah oo uu ku qaatay Balidoogle oo ahaa saldhiga ciidamada cirka ee Soomaaliya.
1984-tii waxaa la geeyay qeybta 26-aad ee waqooyi ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, isagoo soo noqday taliyihii ciidanka xoogga dalka ee gobolka Awdal.
Markii ay burburtay dowladdii milatariga ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Bare, Janaraal Qalyare waxa uu dib ugu laabtay deegaanadii uu ka soo jeeday ee Puntland.
SSDF iyo difaacii gobolada Puntland
Janaraal Qalyare ayaa kamid ahaa saraakiishii akademiyada ahaa ee ka qeybgashay difaacii gobolada Puntland ee bilowgii 90-yadii, markaas oo jabhadii USC ay weerar culus ku soo qaaday gobolada Puntland gaar ahaana gobolka Mudug. Waxaa uu difaacaas ka qaatay kaalin weyn, isagoo muujiyay geesinimo iyo karti.
Dhismihii Puntland
Markii Puntland la dhisay, waxa uu kamid ahaa saraakiishii buddhiggaha u ahaa, isagoo ka soo qabtay xilal kala duwan oo ciidamada Daraawiishta iyo Booliiska.
Waxa uu muddo dheer ahaa, taliyaha ciidamada nabadgelyada waddooyinka Puntland.
Dhismaha Guutada Duufaan

2021-kii waxa uu noqday taliyaha guutada Duufaan oo ahayd ciidan beeleed, balse kadib ay qaramaysay dowladda Puntland.

Janaraalka ayaa dhismaha ciidankan geliyay wakhti badan kuwaasoo ay kor u kacday tababarkooda iyo qalabkooda.
Halgankii Sool

Markii uu halganka ka bilaabmay gobolka Sool bilowga sanadkii 2023-ka, Qalyare oo hoggaaminaya guutada Duufaan, waxa uu kamid ahaa ciidamadii ugu horeeyay ee Hiil-walaal ama Hiil-Harti oo ka qeybqaata halganka, iyagoo bishii February tagay halkaas oo ay saldhig ka samaysteen deegaanka Maraaga oo kuyaala duleedka magaalada Laascaanood.
Janaraalka ayaa muddo todobo bilood ku dhow halkaas dagaalo adag kula galay ciidamada Somaliland ee gobolka Sool gacanta ku hayay 15 sanno.

25-kii Agoosto 2023, guutada Duufaan oo uu hoggaaminayay Qalyare ayaa hormuud u ahaa ciidankii jabiyay saldhiga Maraaga ay ku lahaayeen ciidamada Somaliland, iyadoo maalintaas gabi ahaanba laga saaray gobolka Sool, laga qabsaday intii badnayd hubkoodii, la dilay boqolaal, sidoo kalena gacanta lagu dhigay qiyaastii 300 oo maxaabiis ah.
https://www.facebook.com/watch/?v=1020627062311957
Guutada Duufaan ayaa gacanta ku dhigtay dhowr iyo toban askari oo ciidamada Somaliland oo ay maxabiis ahaan u qabteen 25-kii Agoosto iyo gaadiid dagaal oo uu ku jiro qori Suu ah.
Geesi guurti ah
Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah isinka guud ee gobolka Sool ayaa Janaraal Qalyare ku sifeeyay geesi guurti ah oo uu ula jeedo nin geesi ah oo aan aqoon baqdin yaqaana tabaha iyo xeeladaha dagaalka, isla markaana ah nin oday ah oo ikhyaar ah oo leh hoggaamin iyo rag isku wad. Garaadku waxa uu sheegay in Janaraalku uu labadaas sifo ay yartahay qof isku darsada uu lahaa.
Dagaalka Caal-Miskaat

Janaraal Qalyare waxa uu kamid ahaa saraakiisha ugu saraysay uguna firfircoonaa oo dhanka khibrada iyo aqoonta looga dambeeyo markii uu bilaabmay bishii Janaayo 2025 gulufka Puntland ay kaga sifaynayso argagixisada Daacish deegaanada kuyaala buuraha Caal-Miskaat ee gobolka Bari.
Waxa uu ahaa taliyaha guutada Duufaan, taliyaha guuto labaad iyo taliyaha howlgelinta ciidamada Puntland ee ka dagaalamaya buuraha Caal-Miskaat.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Janaraal Qalyare waxa sida lagu yaqaanay uu ku sugnaa jiida hore, isagoona muujiyay dadaal iyo naf huris badan.
Ciidamada uu hoggaaminayay ee guuto labaad ayaa kamid ahaa ciidamada galay dagaalada ugu adkaa ee ay isaga hor yimaadeen maleeshiyada Daacish, iyagoo kala wareegay deegaano badan oo ay maleeshiyadu gacanta ku haysay.
Janaraalka ayaa la sheegay in uu ahaa maskaxda ka dambaysa in awr loo isticmaalo gaadiid ahaan oo ay ciidamada ku qaataan saadka kadib markii la gaaray deegaano buuralay ah oo ay adagtahay in la adeegsado gaadiidka baabuurta.
Nafhurnimadii ugu dambeysay
Dabayaaqadii May 2025, Janaraal Qalyare ayaa dalka Hindiya u aaday dhaawac ka soo gaaray caloosha intii uu ku jiray dagaalka Caal-Miskaat ee uu ka socdo holwgalka ka dhanka ah maleeshiyada Daacish.

Muddo bil ah kadib taliyaha ayaa horaantii bishii Luulyo 2025 dalka ku soo laabtay kadib daaweyn uu u tagay Hindiya.
Waxa cajaa’ibka ah ayaa ah in isagoo aan nasan uu isla markiiba ku laabtay jiidaha hore ee buuraha Caal-Miskaat, halkaas oo ugu dambayntii 23-ka September uu ku dhintay kadib markii ay gaarigiisa la kacday miino dhulka lagu aasay, waxaana la dhintay darawalkiisii oo la oran jiray Maxamed Hiiteeye.