Warbixinta oo aan la daabicin oo ay aragtay wakaalada wararka Reuters, kooxda dabagalka ayaa intaas ku daray in tan iyo bishii Maarso maraakiibta sida dhuxusha oo isticmaalaya shahaadooyin been abuur ah oo kasoo jeeda dalalka Comoros, Ivory Coast iyo Ghana ay gaareen xeebo kuyaala dalka Iran, halkaas oo dhuxusha la geliyo jawaano cad-cad oo lagu qoray “waxaa soo saartay Iran”.
“Jawaanada ayaa kadib dib loo raraa si yar-yar, doonyo wata calanka Iran ayaa u dhoofiya dekada Al Hamriya ee kutaala magaalada Dubai ee Imaaraatka Carabta, iyaga oo isticmaalaya shahaadooyin been abuur ah oo muujinaya in dhuxushaas laga soo saaray dalka Iran,” ayaa warbixinta lagu sheegay.
Iran ayaa noqotay meesha lagu gala wareejiyo maraakiibtaas, kuwaasoo jabiyay mamnuucista Qaramada Midoobay ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.
Warbixinta ayaa qiyaasaysa in dhaqaalaha kasoo xarooda dhuxusha sharci darada ah ee Soomaaliya uu dhanyahay $150 milyan oo dollar taasoo laga gado gudaha Imaaraatka Carabta, halkaas oo si weyn loogu isticmaalo cuno-karinta iyo cabida shiishada. Sidoo kale waxaa lagu qiyaasay in ku dhawaad saddex milyan oo jawaan oo dhuxul ah laga soo dhoofshay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay.
“Ganacsiga dhuxusha ayaa weli dakhli fiican u ah Al-Shabaab, oo ka sameeya ugu yaraan $7.5 milyan oo dollar oo canshuur ah,” ayaa lagu sheegay warbixinta.
Dhoofinta dhuxusha ka timaata Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen sanadkii 2012-kii, iyadoo la fiirinayo saameynta burbur ee deegaanka, iyo dhaqaalaha ay maleeshiyada Al-Shabaab ka helaan ganacsiga dhuxusha.