Rome-(Puntland Mirror) In ka badan 240 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen labo doonyood oo ku haraqmay badda Libya, sida ay sheegtay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.
Carlota Sami, oo ah afhayeenka haayada UNHCR oo fadhigeedu yahay magaalada Rome, ayaa sheegay maanta oo Arbaco ah in warbixinta ku saabsan in dad kasoo badbaaday shilkaas la geeyay dhanka bariga jasiirada Lampedusa.
In ka badan 4,200 oo muhaajiriin ah ayaa ku dhimatay safarka khatarta ah ee badda Mediterranean sanadkan, sida uu sheegaay Leonard Doyle oo ah afhayeenka Haayada Caalamiga ah ee Muhaajiriinta.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in sanadkan 2016-ka uu noqon doono kii ugu dhimashada badnaa ee safarka muhaajiriinta badda Mediterranean-ka.
Ku dhawaad 330,000 muhaajirin ah ayaa kasoo gudbay badda ilaa iyo sanadkan, marka loo barbardhigo sadankii hore ee 2015-ka oo ay ahaayeen hal milyan.