Kabul-(Puntland Mirror) Sargaal sare oo katirsanaa ururka Talibaan ayaa lagu dilay weerar duqayn ah oo ka dhacay waqooyiga dalka Afghanistan, sida ay sheegeen kooxda hubaysan maanta oo Isniin ah.
Mullah Abdul Salam Akhund, kaasoo maamuli jiray falaagada Talibaan ee horey si kooban u qabsaday Kunduz intii lagu guda jiray sanadkii 2015-kii, ayaa horey saraakiisha Afghanistan marar badan u sheegeen in la dilay.
Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka Talibaan, ayaa cadeeyay bayaanka Mareykanku ay ku sheegteen in la dilay sargaalkaas.
Mullah Abdul Salam Akhund, ayaa kamid ahaa saddex dagaalyahan oo lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay gudaha gobolka Kunduz oo ay geysteen diyaarado dagaal.
Sargaal ku sugan gobolka Kunduz oo la hadlay wakaalada wararka Reuters oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay Mullah Abdul Salam Akhund in uu ku jiray safar markii isaga oo ku nasanaya guri kuyaala magaalada Dasht-e-Archi ee gobolka Kunduz lala eegtay gantaalo.
Afhayeen u hadlay millatariga Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay qaaday duqayntaas Axadii shalay, balse ma uusan bixin faahfaahin badan.