Xeerka cusub ee ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ayaa u ogolaanaya haweenka askarta ah in ay xijaabka ka hoos xiran karaan koofiyadahooda iyo dharkooda waa haddii ay isku midab yihiin.
Xisbiga talada haya (AKP) oo uu wax ka asaasay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ay asal u tahay diinta suuban ee Islaamka ayaa muddo dadaal ugu jiray sidii xanibaada looga qaadi lahaa in haweenku ay xirtaan xijaabka, taasoo horey mamnuuc uga ahayd Turkiga.