Hal qof oo ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qarax lagu rakibay gaarigiisa ayaa waxaa ku dhintay nin magaciisa lagu sheegay Cumar Shiikh Caamir. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho galabta oo Sabti ah, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah sheegeen.

Qarax lagu rakibay gaarigiisa ayaa waxaa lagu dilay nin magaciisa lagu sheegay Cumar Shiikh Caamir, sida ay sheegeen ciidamada ammaanka.

Hal qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay waddo kutaala bartamaha magaalada.

Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah ka geysata Muqdisho, caasimada Soomaaliya.

Dilal kala duwan oo loo geystay dad shacab ah ayaa maalmihii dhawaa ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada.

Jimcaddii, ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay weeraro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho oo ay kamid ahayd gabar ardayad ah oo jaamacad dhiganaysay oo lagu dhex toogtay fasalkeeda dhexdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*