Merera Gudina, oo ah guddoomiyaha golaha federaalka Oromada ayaa laga qabtay gurigiisa oo kuyaala caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, sida uu sheegay ku xigeenkiisa.
“Merera ayaa subaxnimadii Arbacada kusoo noqday Addis Ababa isaga oo ka yimid Brussels, halkaas oo uu kulan kula yeeshay xubno katirsan Midowga Yurub,” Gebru Gebremariam, oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha federaalka Oromada ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka Reuters.
“Booliiska ayaa ku xiray gurigiisa dhexdiisa galabnimadii Arbacada. mana naloo sheegin sababta ka dambaysa xiritaankiisa. Ayuu ku daray Gebru.