Cabdisalaam Xasan Xirsi oo loo yaqiin Gujir ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray kadib weerar ismiidaamin ah oo lagu beegsaday gudaha magaalada Garoowe fiidnimadii Axada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni iyo labo madaxweyne oo kale ayaa ka qeybgalay munaasibad aas ah oo loo sameeyay guddoomiyaha.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, oo ay ku dhaawaacmeen ilaa labo qof oo kale.