Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo tagay magaalada Cadaado

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo garoonka diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Twitter]
Cadaado-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid oo sidoo kale loo yaqaan (Juxa) ayaa maanta oo Jimce ah tagay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa wasiirka iyo wefdigiisa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cadaado.

Juxa ayaa sheegay in uu Cadaado u yimid sidii uu wadatashi ula yeelan lahaa masuuliyiinta maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa wefdigiisa waxaa ku weheliyay xildhibaano katirsan aqalka sare iyo aqalka hoose ee dalka.

Cadaado ayaa la filayaa in ay dhawaan ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug kadib markii madaxweynihii hore Cabdikariim Xuseen Guuleed uu iska casilay xilkiisii muddo bil kahor.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*