Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa maanta oo Sabti ah safar ku yimid caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadeoo gudaha Muqdisho kuyaala waxaa kusoo dhaweeyay Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dowldda federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki kulan kula yeeshay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamidyihiin sidii Midowga Afrika ay gacan uga geysan lahaayeen abaarta daran ee ku dhufatay Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka ururka hubaysan ee Al-Shabaab.
Midowga Afrika ayaa gudaha Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo gaaraya 22,000 oo nabad ilaalin ah, kuwaasoo qayb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.