Shaacinta liiska ayaa daba socotay heshiis dhexmaray isimada gobolka Bari iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni xalay taasoo uu madaxweynaha dib ugu magacaabay Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi agaasimaha ciidamada PSF oo uu ka qaatay bishii May 2021, taasoo horseeday dagaalkii ka dhacay Boosaaso bishii December.
Liiska ayaa waxa aan ku jirin wasiiro katirsan Dowladda Federaalka Soomaliya oo ay kamidyihiin Qorshaynta iyo Beeraha oo u sharaxnaa in makale loo doorto xildhibaan.
Doorashada 16 kursi ayaa dhici doonta Sabtida iyo Axada, sida qorshuhu yahay.