Al-Shabaab: ‘wax walba oo duula waa cadow’

img
Maleeshiyada Al-Shabaab oo tababar ku qaadanaysa xero tababar oo ay ku leeyihiin gobolka Galgaduud. [Sawirka: AlJazeera]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay wax walba oo duula in ay moodaan cadawgooda sida uu sheegay Xasan Yacquub oo ah sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, oo u jawaabayay kadib markii wariyaha Al Jazeera Xamsa Maxamed uu ka codsaday in ay ku duubaan diyaarada drone-ka ee kaamirooyinka lagu rakibo, xilli wariyaha uu barnaamij ka diyaarinayay maleeshiyada saldhig ay ku leeyihiin gobolka Galgaduud

“Wax walba oo duula oo aan ka ahayn shimbiraha, waxaanu u malaynaa cadaw,” ayuu yiri Xasan Yacquub.

Sanadadii u dambeeyay, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa dilay tobonaan dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo uu kamid ahaa hoggaamiyihii kooxda iyo ugu yaraan 10 kamid ahaa taliyeyaashooda sare.

Duqayntii ugu dambaysay oo ay drone-ka la eegteen Al-Shabaab ayaa bil kahor ka dhacday gobolka Jubdada Hoose.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa loo tababaray in ay iska qariyaan drone, haddii ay la kulmaan diyaarad jawi hoose ku duulaysa, ayna dhulka soo dhigaan, sida ay sheegeen saraakiisha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa u dagaalamaysa sidii ay awooda uga tuuri lahaayeen dowladda Soomaaliya oo caalamka taageerayo, kadibna ay dalka ka samaystaan maamul iyaga u gaar ah oo Islaami ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*