Ganacsade hub ka iibin jiray maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu xukumay sideed sanno oo xabsi ah

Cadow Cabdulle Axmed ayaa lagu xukumay sideed sanoo oo xabsi ah. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Cadow Cabdulle Axmed oo ahaa ganacsade hub ku xukuntay sideed sanno oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi ah in uu hub ka iibiiyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Saraakiisha maxkamada ayaa ku eedeeyay Cadow Cabdulle Axmed in uu Al-Shabaab hub ugu geeyay deegaanada Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag.

Guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa yiri: “Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay.”

Cadow Cabdulle Axmed ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*