Cusmaan Cabdi Aadan ayaa lagu toogtay Suuqa Bakaaraha oo kuyaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay goobjoogayaasha sheegeen.
Ganacsadaha ayaa ku sugnaa Maalin-taajir oo ah meel kutaala gudaha Suuqa Bakaaraha, markii ay toogashadu dhacday, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Nimankii dilka geystay ayaa ka cararay goobta toogashada kadib.
Ma jirto cid sheegatay in ay iyagu ka dambeeyaan dilka ganacsadaha.
Bishii November ee sanadkii tagay, Cumar ayaa ka badbaaday isku day dil markii gaarigiisa qarax loogu xiray uu qarxay.