![Gaari ay leeyihiin ciidamada ammaanka Puntland oo maraya buuraha Galgala. [Sawirka: Archive]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/11/military-vehicle..jpg)
Askartii dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaalka si loogu daaweeyo badankoodna waxa ay ku suganyihiin xaalad wanaagsan, sida saraakiil caafimaad ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Ma jirto cid si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada qaraxa maanta oo Talaado ah, balse kooxda Al-Shabaab garabkeeda buuraha Galgala ayaa qaaday weeraro kan lamid ah intii lagu guda jiray sanadadii lasoo dhaafay.
Boqolaal ciidamada dowladda ah ayaa ku dhimatay weerarada u dhaxeeya Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo 2010-kii.
