Ujeedka safarka Madaxweynaha ee Turkiga ayaa ah sidii uu uga qeybgali lahaa caleemo-saarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed.
Erdogan ayaa maanta oo Isniin ah loo dhaarin doonaa Madaxweynaha Turkiga kadib guushii doorashadii bishii lasoo dhaafay.