
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir u dhaxeeya qayb kamid ah murashixiinta madaxtinimda Soomaaliya iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka dhacay Khamiistii magaalada Muqdsho ee caasimada Soomaaliya.
“Waxaan la kulmay qayb kamid murashixiiinta u taagan doorashada madaxtinimada Soomaaliya… waxaana wadaagnay aragtiyo ku saabsan hanaanka doorashada.” Sidaa ayuu ku yiri Michael Keating qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka.
Sid ka muuqata sawirka uu Ergayga soo dhigay Twitter-ka, waxaa kamid ah murashixiinta uu la kulmay, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cali Xaaji Warsame iyo Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi.
Doorashada Soomaaliya ayaa lagu balansanyahay bisha September ee sanadkan 2016-ka, balse waxaan muuqan ifafaale ay doorasho ku dhacdo xilligaas, dhawaan ilo-wareed diblomaasi ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in doorashada ay dib u dhacday ilaa iyo bisha December ee dabaayaqada sanadkan.