Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa in uu khadka taleefoonka kula hadlo madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, sida ay ku warantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu oo soo xiganaysa saraakiil madaxtooyada ah.
Kulanka oo ah kii kowaad tan iyo markii madaxweyne Trump uu xafiiska la wareegay 20-kii bishii Janaayo ee lasoo dhaafay ayaa dhacaya caawa oo Arbaco ah saq dhexe.