Al-Shabaab iyo ISIS oo markale ku dagaalamay gobolka Bari

Maleeshiyo ISIS ah oo ku sugan Puntland. [sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo oo katirsan Al-Shabaab iyo ISIS ayaa markale ka qarxay gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaaka ah.

Dagaalka cusub ayaa Axadii ka bilaabmay deegaanka buuralayda ah ee Marshaad oo u dhow magaalo xeebeedka Qandala, ilo-wareed katirsan ciidamada Puntland, oo codsaday in magacooda aan la sheegin, ayaa u sheegay bog wareedka Puntland Mirror.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka ilaa iyo hadda, sida ilo-wareedku sheegay.

Bishii December ee sanadkii tagay, labada maleeshiyo ayaa ku dagaalamay deegaanka Bir Miirali, oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Qandala ee gobolka Bari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*