Dowladda Federaalka oo cambaaraysay qabashada markabka SEA WORLD, kuna tilmaantay afduub iyo xadgudub

Puntland Mirror
0 Min Read
Markabka SEA WORLD. [Isha Sawirka: Facebook]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay markab ay dhawaan Puntland qabatay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay falka Puntland in uu yahay afduub iyo xad gudub lagula kacay markabka lagu magacaabo SEA WORLD ee wata calanka Jasiiradda Comoros.

Markabka ayaa ku sii jeeday Muqdisho, isaga oo siday qalab ciidan, loona waday Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Si waafaqsan heshiisyada iskaashiga difaac ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, Shixnaddu waxay ku socotay sifo sharci ah oo si buuxda u waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah. Marka laga soo tago qalabka ciidan, markabku waxuu sidoo kale siday badeecooyin ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.”

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Qodobka 54aad ee Dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuu Dowladda Federaalka Soomaaliya si gaar ah ugu xilsaarayaa difaaca amniga qaranka bad iyo barriba. Afduubka markabkan oo ay fuliyeen kooxo ka tirsan Dowlad-Goboleedka Puntland, wuxuu si toos ah ugu xad-gudbayaa Dastuurka KMG ah, wuxuuna dhaawacayaa gobonnimada, midnimada iyo madax-bannaanida qaranka.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Puntland in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay ujeeddooyin difaac, oo lagama maarmaan u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, oo ay ku jirto Puntland.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *