Olole lagu daaweyn doono 3 milyan oo xoolo ah oo ka bilaabmay Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa furay ololaha daaweynta xoolaha. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ololaha daaweynta xoolaha Puntland ayaa maanta oo Sabti ah la daahfuray.

Munaasabada daahfurka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan.

Ku dhawaad 3 milyan oo xoolo ah ayaa la daaweyn doonaa inta ololuhu uu ka socdo sagaalka gobol ee Puntland, sida uu sheegay wasiirka xanaanada xoolaha Siciid Cusmaan Aadan.

Inkastoo abaaro soo noq-noqday oo sanadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka ay saamayn balaaran ku yeesheen, xoolaha nool ayaa kamid ah laf dhabarta ugu weyn ee dhaqaalaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*