Waxaa uu sheegay in Maraykanka uu diirada saaro garaacida waxa loogu yeero ISIS halka uu ka door bidayo in madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad uu xilka ka dego.
“Waxaad doonaysaa in aad ku dhamaysid Dagaalka Saddexaad ee Aduunka dusha Suuriya haddii aanu dhageysano Hillary Clinton,” ayuu yiri Mr Trump.
Mrs Clinton ayaa soo jeedinaysa in hawada Suuriya laga sameeyo aag ka caagan duulimaadyada, taasoo dadka qaar ay leeyihiin waxay colaad ku keeni kartaa diyaaradaha Ruushka.
Mr Trump ayaa sidoo kale weeraray xisbiga Jamhuuriga isaga oo sheegay in aysan u midaysnayn musharaxnimadiisa.
“Haddii aanu haysano xisbi midaysan, ma lumin doono doorashadaan,” ayuu Trump u sheegay wakaalada wararka Reuters.