Diyaarado dagaal oo looga shaki qabo kuwa Kenya oo duqeeyay saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay gobolka Jubbada Dhexe

Puntland Mirror
1 Min Read
Diyaarado dagaal oo looga shaki qabo in ay Kenya leedahay oo duqeeyay xero milatari oo ay Al-Shabaab ku leedahay gobolka Gedo. [Xigashada Sawirka: Reuters]

Kenyan jets
Diyaaradaha dagaalka ee Kenya. [Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaarado milatari oo looga shaki qabo kuwa Kenya ayaa weerar duqayn ah ka geystay koonfurta Soomaaliya, iyaga oo bartilmaameedsaday saldhig tababar oo kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka Jubbada Dhexe, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay deegaanka Maaleyda oo u dhaxeeya magaalooyinka Jilib iyo Buu’aale, halkaas oo ay Al-Shabaab ku leedahay saldhigyo tababar oo ay ku tababarto dagaalyahano.

Sida ay ilo-wareedyada sheegayaan dhowr maleeshiyaad ah ayaa ku dhimatay duqaynta.

Kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin duqaynta weerarkaas dhacay maanta oo Axad ah.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas duqaynta ah, balse diyaaradaha dagaalka ee dalka dariska ah ayaa horey gobolada Jubbooyinka uga geystay weeraro kan lamid ah.

Share This Article
Follow:
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *