Duqaynta ayaa ka dhacday deegaanka Kulbis oo qiyaastii 20km dhanka waqooyiga uga beegan magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo, halkaas oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin saldhigyo, sida ay wararku sheegayaan.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay sameyn doonaan qiimeyn ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqayntaas.