Deni oo qirtay in dayacaadiisa amni ay ISIS ku xoogaysatay

Puntland Mirror
0 Min Read
Siciid Cabdullaahi Deni. [Isha Sawirka: Puntland State House]

Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Sciid Cabdullahi Deni ayaa qirtay in dayac ku yimid amniga Puntland mudadii uu xilka joogay.

Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu magaalada Boosaaso kula la yeeshay odayaal dhaqameed maanta oo Axad ah.

“Intaan xilka joogo Hadii Alle idmo, dayac danbe in uusan dhicin baan ballan qaadayaa. Amni daro cid aan ku xurmeyn doono majirto, ninkuu doono ha ahaado, mid dhow iyo mid dheerba”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.” Ayuu yiri.

Lixdii sanno muddo ah oo uu xilka hayay madaxweyne Deni, ayaa waxaa xoogaystay maleeshiyada Daacish oo saldhigyo waa-weyn ka samaysatay dhulka buuralayda ah ee Caal-miskaat.

Ciidamada Puntland ayaa bishii Janaayo 2025 howlgal ka dhan ah maleeshiyada Daacish ku qaaday Caal-miskaat ee gobolka Bari halkaas oo deegaano badan ka xoreeyay maleeshiyada.

Dhawaan, Dr. Guuleed Saalax Bare, oo ah siyaasi reer Puntland ah, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni mudadii shanta sanno ahayd ee uu xukunka hayay in uu dayacay masuuliyaddii ka saarnaa dagaalka Daacish oo gobolka ku sii xooganaysay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ka ayu ku yiri: “Waxaa iswaydiin mudan dayaca intaas le’eg yaa iska leh masuulayadeeda? Ma dhowr maalmood bay dibadda inoo kaga yimaadeen iyagoo doonyo saaran sidii shabaabkii xeebaha Garacad iyo Eyl agagaarkooda maalin kasoo dagay? Soo wiilasha dagaalamaya ciidankeenii ma ahan awalba inoo joogay? Diyaargarawgii Madaxweyne Deni dhowrka bilood oo kooban ku qaadatay maxaa ka hortaagnaa 6dii sano ee uu xilka hayay oo cadawgu intaan ka tabar iyo taag yaraa? Dadkii shacabka ahaa ee laga qixiyay deegaanada cadawgu haystay ee aadka u ballaarnaa soo dowlad matalaysa ma aysan jirin?”.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *