Ugu yaraan todobo qof oo katirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday intii uu dagaalku socday, sida ay ilo-wareedyadu xaqiijiyeen.
Dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sanadkan ku dagaalamay gacan ku haynta magaalada Goof Guduud ee gobolka Bay.
Goof Guduud, ayaa qiyaastii 35km dhanka waqooyiga uga beegan magaalada Baydhabo, ee caasimada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.