Maleeshiyada al-Shabaab oo weerartay saldhig ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin koonfurta galbeed ee Muqdisho

333
Dagaalyahanada kooxda al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday maanta oo Isniin ah saldhig ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya oo ku yaala koonfurta galbeed ee Muqdisho.

Sarkaal katirsan ciidamada militariga Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka Reuters ayaa sheegay in hub culus la isku adeegsaday muddo saacado ah, isagoo intaas ku daray in 12 kamid ah dagaalyahnada al-Shabaab la dilay.

Maleeshiyada ayaa weerarka u adeegsatay gaari walxo qarxa laga soo buuxshay oo ay ku qarxiyeen saldhiga, sida uu sheegay sarkaalka.

Afhayeenka al-Shabaab ee dhanka howlgalada militariga, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa wakaalada Reuters u sheegay in ay weerarka ku dileen 30 askari. Ma uusan sheegin khasaaraha al-Shabaab dhankooda soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa badanaa buunbuunisa tirada dhimashada, halka saraakiisha dowlada Soomaaliya aysan sheegin tirada khasaaraha ee dhabta ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*