Ninka isa soo dhiibay ayaa la dhahaa Cabdulaahi Maxamed Siciid kaas oo asal ahaan kasoo jeeda gobolka Bay ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Ma jirto wax jawaab deg deg ah oo kasoo baxday ururka hubaysan ee Daacish ee ku sugan gudaha Puntland.
Isa soo dhiibida ayaa imaanaysa wax ka yar labo asbuuc kadib markii ISIS ay weerar is-qarxin ah ka geysatay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso kaas oo lagu dilay ugu yaraan saddex qof.
Bishii December ee sanadkii hore, ciidamada Puntland ayaa dib ula wareegay magaalo xeebeedka Qandala ee gobolka Bari, taas oo gacanta ISIS gashay bishii Oktoobar ee 2016-ka.