Ciidamada Badda Puntland oo muhaajiriin ku qabtay meel u dhow xeebta Boosaaso

Ciidamada Badda Puntland oo muhaajiriin ku qabtay meel u dhow xeebta Boosaaso. [Xigashada Sawirka: PMPF]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa sheegay in ay qabteen dooni ay saaranyihiin ku dhawaad 80 muhaajiriin ah maanta oo Talaado ah meel u dhow xeebta Boosaaso.

Muhaajiriinta ayaa intooda badan ka soo jeeda Itoobiya, kuwaasoo doonayay in ay gaaraan Yeman, sida ay sheegeen PMPF.

Boqolaal Itoobiyaan ah ayaa gaaray magaalo xeebeedka Boosaaso tan iyo bishii lasoo dhaafay.

Boosaaso waxa ay kutaalaa Badda Cas, waa meesha ugu weyn ee ay ka baxaan muhaajiriinta raba in ay u safraan dalalka Khaliijka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*